Shardigii Sirta Ahaa Ee Ay Liverpool Ku Xidhay Heshiiskii Philippe Coutinho Oo La Ogaaday.

Shardigii Sirta Ahaa Ee Ay Liverpool Ku Xidhay Heshiiskii Philippe Coutinho Oo La Ogaaday.


Ku Biiristii Philippe Coutinho ee kooxda Barcelona suuqii January 2018 ayaa u muuqda mid ka mid ah saxiixyadii ugu xumaa ee taariikhda kubada cagta.

160-kii Milyan ee ay Barcelona ka soo bixisa saxiixiisa ayaa u muuqda lacag si xun loo bixiyay dhanka kubada cagta ama dhanka dhaqaalaha.

Wargayska Mirror ayaa qarxiyay shardi sir ahaa oo ay Liverpool ku xidhay saxiixa Philippe Coutinho Kaas oo ka sii dhigay mid la yaab leh heshiiska.

Isla Wargayska ayaa sheegaya in ay kooxda Liverpool heshiska ku xidhay shardi Barcelona u diidaya i ay la saxiixato xiddigaha liverpool ilaa sanadka 2021.

Kooxda Liverpool ayaa shardigaas dhigtay kadib markii ay Barcelona sanadihii ka horeeyay kala wareegtay xiddigaha ay ka midka yihiin Javier Mascherano & Luis Suarez.

Sidaas darteed Barcelona ayaa xagaaii isku dayday in ay la saxiixato xiddiga Georginio Wijnaldum kaas oo ay ugu dambayn ku fashilantay saxiixiisa.


Source: laacibfm.com

SHARE