Shaxdii Ugu Fiican Horyaalka Serie A-da Xilli Ciyaareedkii Hore Oo La Soo Saaray.

Shaxdii Ugu Fiican Horyaalka Serie A-da Xilli Ciyaareedkii Hore Oo La Soo Saaray.


Waxa si Rasmi ah loo soo saaray shaxda ugu fiican horyaalka Serie A-da xilli ciyaareedkii hore ee dhamaaday iyada oo kooxda Juventus 3 xiddig ku leedahay maadama ay ku guulaysteen horyaalka xilli ciyaareedkan.

Xilli ciyaareedkii hore waxa joojiyay kubada cagta Xanuunka Korona laakiin bishii June ayuu Maurizio Sarri kooxda Juventus ku hogaamiyay horyaalkoodii 9-aad oo xidhiidh ah.

Xiddiga Lazio ee Ciro Immobile Ayaa hogaaminayay gool dhalinta Sarie A-da isaa oo kooxda Lazio ka caawiyay in ay ku dhamaysato 4-ta boos ee ugu sareeyaa.

Inter Milan ayaa ku dhamaystay kaalinta 2-aad halka ay kooxda Atalanta u soo baxday champions league xilli ciyaareedkan.

Ac Milan ayaa dhankooda soo bandhigay qaab ciyareed cajiib ah waxana uu Goolhayohoda Gianluigi Donnarumma noqday Goolhayaha ugu fiican Serie A-da.


Hadaba Halkan Hoose Kaga Bogo Shaxdii Ugu Fiicnayd Serie A-da xilli ciyaareedkii hore:


Source: laacibfm.com

SHARE