Xiddig Muhiim Ka Ah Qorshaha Thomas Tuchel Oo Joojiyay Wadahadaladii Heshiis Kordhintiisa.

Xiddig Muhiim Ka Ah Qorshaha Thomas Tuchel Oo Joojiyay Wadahadaladii Heshiis Kordhintiisa.


Xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Chelsea ee Antonio Rudiger ayaa lagu soo waramayaa in uu diiday in uu wadahadalo heshiis kordhin ah la furo chelsea ilaa kadib dhamaadka tartanka Euro 2020.

Xiddiga 28 jirka ah ayaa u muuqday mid isaga tagaya kooxda intii uu Frank Lampard tababaraha u ahaa kooxda laakiin waxa uu muhiim ka noqday Kooxda kadib markii uu Thomas Tuchel la wareegay hogaanka kooxda.

Heshiiska Antonio Rudiger ee chelsea ayaa dhici doona xagaaga dambe waxana jira kooxo dhawr ah oo xiiso u muujiyay saxiixa xiddiga reer Germany.

Wargayska The Athletic ayaa sheegaya in ay Blues doonaysay in ay heshiis cusub ka saxiixato xiddiga ka hor bilaabashada tartanka Euro 2020 laakiin daafaca ayaa u sheegay kooxdiisa in uuna wax wadahadalo ah la gali doonin ilaa dhamaadka tartanka Euro 2020.

Wararka ayaa sheegaya in uu xiddiga reer Germany ku faraxsanyahay chelsea waliba doonayo in uu sii joogo kooxda laakiin waxa uu ka cabsi qabaa in ay wax is badalaan.

Kooxda chelsea ayaa dhankeeda lala xidhiidhinayaa in ay doonayso saxiixa daafac cusub marka la gaadho suuqa kala iibsiga xagaaga ee dhamaadka xilli ciyaareedkan.


Source: laacibfm.com

SHARE