Xiddig Muhiim U Ah Real Madrid Oo Seegaya Kulanka Celta Vigo Ee Horyaalka La Liga, Sabab.

Xiddig Muhiim U Ah Real Madrid Oo Seegaya Kulanka Celta Vigo Ee Horyaalka La Liga, Sabab.


Tababaraha kooxda Real Madrid ee Zinedine Zidnae ayaa soo saaray Liiska xiddigaha uu kaga hor tagayo kooxda Celta Vigo kulanka ka tirsan horyaalka La Liga.

Zidane ayaa Liiska ka reebay kabtankiisa Sergio Ramos inkasta oo uu ciyaaray kulankii Atalanata ee champions League ee bartamihii todobaadka.

Ramos ayaa badal ku soo baxay kulankii Atalanta kadib markii uu dhaawac yar ka soo gaadhay lafta dheer ee lugta bidix sidaas darteed tababaraha ayaa go’aansaday in uu iska nasiyo xiddiga.

Sergio Ramos ayaa dhaawacyo la dhibaatoonayay xilli ciyaareedkan isaga oo garomada ka maqnaa muddo bil ah ka hor intii uuna soo laaban.

Zidane ayaa diiday in uu khatar galiyo Ramos dibna u dhaawacmo sidaas darteed waxa uu go’aansaday in uu iska nasiyo xiddiga reer Spain kulanka caawa.


Liiska Zidane u soo xushay kulanka celta Vigo:


Goolhayayaasha:

Courtois, Lunin, Altube.


Daafaca:

E. Militao, R. Varane, Nacho, Marcelo, F. Mendy.


Khadka Dhexe:

Kroos, Modri, Casemiro, Valverde, Isco.


Weerarka:

Benzema, Asensio, Lucas Vazquez, Vinicius, Rodrygo, Hugo Duro.


Source: laacibfm.com

SHARE