Daawo: Goolhayihii Ugu Horeeyay Ee Abid Gool Ka Dhaliyay Horyaalka La Liga, Gool Qurux Badan Ayuu Dhaliyay

Goolhayaha Kooxda Sevilla ee Yassine Bounou ayaa noqday Goolhayihii ugu horeeyay ee Abid taariikhda La Liga gool ka dhaliyay horyaalkaas.

Goolhaye Yassine Bounou ayaa guuldaro ka badbaadiyay kooxdiisa Seviila kulan ka tiraanaa horyaalka La Liga oo ay la ciyaarayeen kooxda Real Valladolid.

Kooxda Sevilla ayaa gool ku dambaysay waxana la gadhay daqiiqadii ugu dambaysay ee ciyaarta taas oo keentay in uu Goolhaye Yassine Bounou aado weerarka koorne ay kooxdisu heshay.

Laakiin Goolhaye Yassine Bounou ayaa si qurux badan kubada u dhex dhigay shabaqa isaga oo kooxdiisa ku hogaamiyay bar-baro daqiiqadii ugu dambaysay ah.

Kadib goolkaas Goolhaye Yassine Bounou ayaa noqday Goolhayihii ugu horeeyay ee Abid gool ka dhaliya taariikhda horyaalka La Liga.


Source: laacibfm.com

SHARE