David Alaba Oo Heshiis Afka Ah La Gaadhay Kooxdiisa Cusub

Kooxda Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa in ay heshiis Afka ah la gaadhay xiddiga daafaca uga ciyaara Bayern Munich ee David Alaba.

Xiddiga reer Austria Ayaa isaga tagi doona Bayern Munich dhamaadka xilli ciyaareedkan marka uu dhoco heshiiskiisa kooxda Bayern Munich bisha June.

Shabakada ABC Deportes ayaa sheegaysa in ay kooxda Real Madrid ku guulaysatay saxiixa xiddiga David Alaba heshiiska Afka ahna la gaadhay xiddiga.

Isla warka ayaa sheegaya in uu xiddiga David Alaba mushahar ahaan uga qaadan doono kooxda Real Madrid lacag dhan 165 kun Gini todobaadkii.

Sidoo kale Real Madrid ayaa jeebka ugu shubi doonta xiddiga David Alaba lacag dhan 17 milyan oo euro hadii uu ku biiro kooxda xagaaga.

Xiddiga David Alba ayaa lala xidhiidhinayay kooxaha Barcelona, Manchester City, Manchester United & Chelsea laakiin waxa ay u muuqataa in ay Real Madrid ku guulaystay saxiixiisa.


Source: laacibfm.com

SHARE