Dib U Eegid: Leicster City Oo Soo Afjartay Rikoodh Cajiib Ah Oo Ay Man United haysatay, Muxuu Yahay?

Kooxda Man United ayaa guuldaro kala kulantay kooxda Leicester City kulan ka tirsanaa 8 Dhamaadka Tartanka FA Cup-ka Xilli ciyaareedkan.

Goolal ay dhaliyeen xiddigaha Kelechi Ịheanachọ (2) Iyo Youri Tielemans ayaa Leicester City ka caawiyay in ay guul ka gaadhaan kooxda Man United.

Guuldaradaas ayaa La macno ah in ay Man United ku fashilantay in ay gaadho Semi-final-ka tartanka FA Cup-ka xilli ciyaareedkan.

Sidoo kale Guuldaradaas ayaa soo afjartay rikoodh cajiib ah oo ay Man United ku lahayd kulamada martida ee tartamada oo dhan.

Kooxda Man United ayaa la kulantay guuldaro kulan ay marti u yihiin koox reer England ah markii ugu horaysya muddo 30 kulan ah.

Markii ugu dambaysay ee ay guuldaro marti ah la kulanto waxa ay ahayd bishii January 2020 markaas oo ay guuldaro kala kulantay kooxda Liverpoool.


Source: laacibfm.com

SHARE