Ka Dib 28 Kulan Oo Laga Ciyaaray La Ligaha , Sidee Ayaa Looga Kala Sareeyaa Gool Dhalinta?

Messi ayaa sii wada gool dhalinta La ligaha waxa uuna xalay kaligiis dhaliyay sedex gool ka dib xasuuq ay u geysteen kooxda Real Sociedad.

Kulankaan ayaa ka tirsanaa wareegga 28-aad ee La ligaha  waxa ayna Barca ku badiyeen 6/1 .

Messi waxa uu uu sidaas ku gaaray goolkiisii 23-aad La Ligaha ee xilli ciyaareedkaan waxa uuna ku dheereystay hogaanka gool dhalinta oo uu kaga sareeyo saaixbkiisa hore Barca ee Suarez kaas oo haatan u ciyaara kooxda Atletico Madrid.

Sidoo kale Benzema oo loolanka gool dhalinta La Ligaha ku jira isna  shabaqa ayuu soo taabtay kulankii Celta Figo isaga oo dhaliyay laba gool .

Hadaba  sidee loo kala sareeyaa hogaanka gool dhalinta la Ligaha ka dib 28 kulan oo laga ciyaaray tartankaas .

Messi ayaa ugu horeeya waxa uuna leeyahay 23 gool waxaa ku xiga Suarez oo isna leh 19 gool

Waxaa ku sii xiga Benzema oo leh 17 halka uu sii raaco Gerard Moreno oo u ciyaara Villa Real kaasi oo leh isna 16 gool

 


Source: laacibfm.com

SHARE