Ole Gunner ” Hal Arin Ayaa U Sabab Ah Guul-daradii Aynu Kala Kulanay Leicester City”

Tababaraha kooxda Man United ee Ee Ole Gunner ayaa qiray in heer liita ay ku soo muuqdeen kulankii Leicester City ee FA Cup-ka xilligaas oo kooxdiisa 3/1 looga reebay tartankaas oo ay kooxda dawacooyinka isaga xaadiriyeen semi finalka tartankaas.

BBC Sport ayuu Ole Gunner ka yiri” kulankaan ma aynu aheyn bahallo balse arinta waa caddahay waayo Leicester aad ayay u wacnaayeen bilooyonkii ugu dambeeyay”.

“Sedexdii maalin ee la soo dhaafay kulamo ayaan ciyaarnay waliba shaqo wacan ayaan qabanay  waana ku daalnay kulamadaas iyo safarada aan galnay , kulankii Milan jir ahaan aad ayaan u daalnay sidaa darteed kulankaan ma aynu laheyn wax tamar ah”.

” Leicester koox adag ayay aheyd , haatan kaliya waxaan xoogga saareynaa kulamada horyaalka iyo Europa league  inooga dhiman” ayuu sii raaciyay Ole Gunner

“Xaaladeeena horyaalka Ingiriiska waa ay wacan tahay , waxaan dooneynaa in aan isa sii wanaajinno waayo Leicester waa ay naga dambeysaa taasina sahal ma  aha  balse  horay ayaan u sii soconeynaa” ayuu ku sii daray Ole Gunner

 

 


Source: laacibfm.com

SHARE