Shaxda Laga Yaabo In Ay Barcelona Kaga Hor Tagto Real Sociedad

Kooxda Barcelona ayaa la ciyaari doonta kooxda Mayalka Adag ee Real Sociedad kulan ka tirsan horyaalka La Liga todobaadkii 28-aad kana dhici doona garoonka Anoeta Stadium.

Barcelona ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo isha ku haya in ay ku soo laabtaan kaalinta 2-aad oo ay haatan ku jirto kooxda Real Madrid oo badiyay kulankoodii xalay.

Ronald Koeman ayaa soo saaray Liiska xiddigihiisa waxana uu soo wada xushay dhamaan xiddigaha taamka u ah ee diyaarka u in ay ciyaaraan kulanka.

Koeman iyo kooxdiisa ayaa kulanka u soo gali doona sidii ay u sii wadi lahaayeen guulaha iyo in ay cadaadiska ku sii hayaan kooxda Atletico Madrid hogaamiyayaasha horyaalka.

Tababaraha ayaa la filayaa in uu weerarkisia ku bilaabo xiddigaha Griezmann, Messi iyo Dembele kuwaas oo kulamadii ugu dambeeyay xidhiidh cajiib ah sameeyay.

How Barcelona could line up against Athletic Bilbao - Sports Mole


Source: laacibfm.com

SHARE