Virgil Van Dijk & Liverpool Oo Isku Dhici Doona & Tartanka Euro-da Oo Sabab U Ah.

Kooxda Liverpool iyo Daafaca Virgil Van Dijk ayaa ku dhaw in ay isku dhacaan sabab la xidhiidha rabitaanka daafaca ee hogaaminta xulka qaranka Holland tartanka xagaaga ee Euro-da.

Van Dijk ayaa seegay xilli ciyaareedkan sabab la xidhiidha dhaawac xun oo soo gaadhay bishii October ee bilowgii xilli ciyaareedkan.

Daafaca dhexe ayaan la filayn in uu u ciyaaro Liverpool inta ka dhiman xilli ciyaareedkan laakiin Klopp ayaa doonaya in uu daafacu taam u noqdo isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.

Si kasta ha ahaatee wargayska Mirror ayaa sheegaya in uu Van Dijk doonayo in uu ka qayb galo tartanka xagaaga ee Euro taas oo keeni karta in ay isku dhacaan xiddiga iyo kooxdu.

Van Dijk ayaa ku soo laatay tababarka todobaadyadii ugu dambeeyay laakiin Liverpool ayaa ku adkaysanaysa in uuna xiddigu ku soo laaban doonin kooxda iyo xulka toona xilli ciyaareedkan.


Source: laacibfm.com

SHARE