Xaqiiqooyinka Laga Diwaan Galiyay Kulankii Ay Arsenal Bar-Baraha La Gashay West Ham.

Kooxda Arsenal ayaa samaysay soo laabasho cajiib ah iyaga oo ba-baro la gashay kooxda West Ham kadib markii 3 gool looga hor maray qaybta hore ee ciyaarta.

West Ham ayaa qaybtii hore dhalisay gaar ahaan 32-kii daqiiqo ee ugu horeeyay dhalisay 3 gool oo deg-deg ah iyaga oo baxar galiyay kooxda Arsenal.

Laakiin Gunners ayaa si fiican u shaqaysay kadib 3-da gool iyaga oo ugu dambayn ciyaarta kala baxay bar-baro hal dhibic-na soo ritay.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa xaqiiqooyinkii laga diwaan galiyay kulanka.

1.West Ham ayaa ah kooxdii ugu horaysay ee laba gool iska dhalisa premier League kulan kaliya tan ilaa January 2017 markaas oo ay Swansea 2 gool iska dhalisay iyaga oo la ciyaarayay Arsenal.

2.Tomas Soucek ayaa ah xiddigii ugu horeeyay ee gool dhaliyay kadib gool iska dhaliyay kulan premier League ah isaga oo u ciyaarayay West Ham kuna ciyaarayay garoonkiisa tan ilaa markii uu Frank Lampard sidaas sameeyay sanadkii 1998.

3.Craig Dawson ayaa ah xiddigii ugu horeeyay ee iska dhaliyay gool laba kulan oo xidhiidh ah premier League tan ilaa Conor Coady oo sidaas dameeyay Januar 2019 isaga oo ka hor tagay West Ham.

4.Alexandre Lacazette ayaa dhaliyay 11 gool oo oryaalka ah xilli ciyaareedkan waxana uu hal gool badan yahay goolashii uu dhaliyay dhamaan xilli ciayareedkii 2019/2020.

5.Kulankan ayaa ah midkii 3-aad ee premier League xilli ciyaareedkan koox 3 gool iyo wax ka badan ku hor marto laakiin ku fashilanta in ay 3-da dhibcood hesho kulamada kale ee sidaasi dhacday ayaa kala ah (West Brom 3-3 Chelsea & Tottenham 3-3 West Ham).


Source: laacibfm.com

SHARE