Aaron Ramsey Oo Ku Soo Wajahan Premier League, Koox Weyn Ayuu Ku Biiri Karaa?

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Juventus ee Aaron Ramsey ayaa lagu soo waramayaa in uu ku biiri karo kooxda Liverpool suuqa xagaaga sida ay sheegayaan wararku.

Xiddiga 30 jirka ah ayaan si joogto ah ugu ciyaarin kooxda Juventus isaga oo kaliya ku bilowday 12 kulan horyaalka Serie A-da xilli ciyaareedkan.

Ramsey ayaa qaab xor ah ugu biiray Juventus xagaagii 2019 laakiin waxa uu ku dhibaatooday in uu boos joogo ah ka helo kooxda Juventus.

Xiddiga reer Wales ayaa si lama filaan ah loola xidhiidhinayaa ku biirsta kooxda Liverpool xilli uu doonayo in uu ku soo laabto horyaalka premier League.

Wargayskaa Calciomercato ayaa sheegaya in uu Jurgen Klopp u arko xiddiga reer Wales badalka Georginio Wijnaldum kaas oo ka tagi doona kooxda xagaaga.


Source: laacibfm.com

SHARE