Afar Xiddig Oo Ay Liverpool U Dhaqaaqi Karto Kadib Markii Uu Georgino Wijnaldum Heshiis La Gaadhay Barcelona.

Kooxda Liverpool ayaa isku diyaarinaysa in ay u dhaqaaqdo badalka xiddiga Georgino Wijnaldum kaas oo lagu soo waramayo in uu heshiiska la meel dhigay kooxda Barcelona si uu xor ugu biiro xagaaga.

Xiddiga reer Holland ayaa ahaa saxiixi ugu horeeyay ee Jurgen Klopp kadib markii uu tababaraha u noqday kooxda Liverpool sanadki 2015 shaqadana ka badalay Brendan Rodgers.

Xiddiga ayaa muhiim u ahaa Kooxda Liverpool waxana uu kula guulaystay koobab badan intii uu joogay kooxda isaga oo sidoo kale dhaliyay goolal muhiim ah.

Laakiin muddo bilo ah ayaa ka hadhay heshiiskiisa wargayska The Times ayaana sheegaya in uu xiddigu haatanba heshiis la gaadhay kooxda Barcelona si uu ugu biiro xaaaga.

Wargayska Liverpool Echo ayaa sheegay in ay kooxda Liverpool isku diyaarinayso in ay u dhaqaaqdo 4 xiddig midkood si ay ugu buuxiyaan booska Georgino Wijnaldum.

Xiddiga ugu horeeya ayaa ah xiddiga kooxda Lille ee Renato Sanches kaas oo kooxda Liverpool lala xidhiidhinayay bilihii ugu dambeeyay.

Xiddiga kale ayaa ah xiddiga kooxda Brighton ee Yves Bissouma halka labada xiddig ee kale yihiin xiddigaha kooxaha Udinese iyo Borussia Monchengladbach ee Florian Neuhaus & Rodrigo de Paul.


Source: laacibfm.com

SHARE