Andrea Pirlo Oo Loo Qabta Wakhti Uu Ku Badbaadiyo Shaqadiisa Juventus

Maamulka kooxda Juventus ayaa lagu soo waramayaa in uu ka dhamaada samirkii ay u hayeen tababare Andrea Pirlo iyaga oo siiyay fursadiisii ugu dambaysay si uu u badbaadiyo shaqadiisa.

Tababare Andrea Pirlo ayaa lagu soo waramayaa in la siiyay hal kulan si uu u badbaadiyo shaqadiisa koxda Juventus hadii kale uu waayo shaqadiisa.

Kooxda Juventus ayaa ka haday champions league sidoo kale 10 dhibcood ka dambaysa hogaamiyayaasha horyaalka ee Inter Milan.

Guuldaradii lama flaanka ahayd ee Juventus ka soo gaadhay kooxda Benevento Axadii ayaa god ku sii riday rajadii kooxda ee ku guulaysiga horyaalka Serie A-da.

Wargayska Tuttosport ayaa sheegaya in uu Pirlo bilaa shaqo noqon doono laba todobaad iyada oo shaqada laga caydhin waayo hadii uu guul ka gaadhi waayo kooxda Torino.


Source: laacibfm.com

SHARE