Barcelona Oo Ka Jawaabtay Wararka Sheegaya In Ay Heshiis La Meel Dhigtay Georginio Wijnaldum

Kooxda Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay beenisay wararka sheegaya in ay heshiis afka ah la gaadhay xiddiga khadka dhexe ee Georginio Wijnaldum si uu kooxda ugu biiro qaab xor ah marka uu dhoco heshiiskiisa Liverpool.

Xiddiga 30 jirka ah ayaa noqon doona xor marka uu dhoco heshiiskiisa kooxda Liverpool dhamaadka xilli ciyaareedkan taas oo la macno ah in uu xor uga tagi karo kooxda xagaaga.

Waxa soo baxay warar sheegaya in ay kooxda Barcelona la meel dhigtay heshiis xiddiga reer Holland waliba xagaaga ku biiri doono kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Si kasta ha ahaatee kooxda Barcelona ayaa beenisay wararka sheegaya in ay heshiis la gaadhay xiddiga si uu qaab xor ah ugu biiro kooxda xagaaga.

Wargayska Mundo Deportivo ayaa sheegaya in ay ilo wareedyo ku dhaw kooxdu xaqiijiyeen in ayna wax xaqiiqo ah ka jirin wararka sheegaya in ay heshiis la gaadheen xiddiga.


Source: laacibfm.com

SHARE