Donny van de Beek Oo Ka Hadlay Ka Hadhistii Man United Ee FA Cup-ka.

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Man United Donny van de Beek ayaa qirtay in ay xiddigaha Man United ka niyad jabsanyihiin ka hadhistii FA Cup-ka.

Man United ayaa ka hadhay FA Cup-ka kadib markii ay guuldaro 3/1 ah kala kulmeen kooxda Leicester City kulan uu xiddiga Donny van de Beek ku bilowday shaxda.

Van de Beek ayaa qirtay in uu a niyad jabsanyahay in ay kooxda Man United ka hadhay FA Cup-ka xilli ciyaareedkan laakiin sheegay in ay soo laaban doonaan iyaga oo sidii hore ka adag.

Xiddiga oo arintaas ka hadlaya ayaa bogiisa Twitter-ka ku soo qoray”dhamaanteen waan niyad jabsanahay in aan FA Cup-ka ka hadhno”.

“Laakiin waxa aan soo laaban doonaa anaga oo sidii hore ka adag”ayuu sii raaciyay.

Xiddiga reer Holland ayaa kaliya 3 kulan ku bilowda shaxda Premier League xilli uu Solskjaer ku bilaabay kulamada koobaka.


Source: laacibfm.com

SHARE