Erling Haaland Oo Ugu Dambayn Ka Hadlay Mustqbalkiisa, Kooxaha Doonaya Ayuu Fariin U Diray.

Xiddiga kooxda Borussia Dortmund ee Erling Haaland ayaa fariin u diray kooxaha doonaya saxiixiisa kadib markii lala xidhiidhiyay kooxo badan oo reer yurub ah.

Erling Haaland oo bilihii ugu dambeeyay haystay bogaga hore ee wargaysyada ayaa lala xidhiidhinayay kooxaha Manchester United, Real Madrid, Chelsea, Barcelona, Juventus, Bayern Munich, Liverpool & Manchester City.

Xiddiga da’yarka ah ee Haaland ayaa soo jiitay indhaha kooxaha ugu waaweyn qaarada yurub kadib qaab ciyaareed cajiib ah oo uu soo bandhiga xilli ciyaareedkan.

Xiddiga 20 jirka ah ee Erling Haaland ayaa dhliyay 33 gool 31 kulan oo uu ciyaaray tartamada oo dhan isaga oo 10 ka mid ah ka dhaliyay tartanka champions league.

Qaab ciyaareedkiisa ayaa keenay in lala xidhiidhiyo kooxaha ugu waaweyn qaarada yurub laakiin xiddiga ayaa fariin u diray kooxaha doonaya saxiixiisa.

Haaland oo arintaas ka hadlaya aaya yidhi”Waxa aan Dortmund kula jiraa heshiis 3 sano ah sidaas darteed kama fikirayo wax kale”.

“Wargaysyada ayaa ah kuwa sheekooyinka ka qoraya mustaqbalkayga anigu kaliya waxa aan diirada saaryaaa qaab ciyaareedkayga”ayuu sii raaciyay.


Source: laacibfm.com

SHARE