Goolhayaha Chelsea Ee Edouard Mendy Oo Qaliin Lagu Sameeyay, Sidee Ayay Wax U Soo Gaadheen?

Goolhayaha kooxda chelsea ee Edouard Mendy ayaa seegi doona kulamada waajibaadka xulka qarankiisa Senegal ee bishan sabab la xidhiidha in uu mari doono qaliin Ilkaha ah.

Thomas Tuchel ayaa xaqiijiyay Axadii in uuna xiddiga 29 jirka ah u safri doonin dalkiisa si uu uga qayb qaato kulamada is reeb-reebka qaarada Africa sabab la xidhiidha in uu u baahanyahay qaliin.

Edouard Mendy Ayaan ciyaarin kulankii ay chelsea guusha ka gaadhay Seffield United kulankii FA Cup-ka ee Axadii iyada oo uu booskiisa ku bilowday Kepa Arrizabalaga.

Haatan waxa la xaqiijiyay in uu Edouard Mendy seegi doono kulamada waajibaadka xulka qarankiisa ee labada todobaad ee soo socda.

Xulka qaranka Senegal ayaa haatanba xaqiiqsaday booskiisa koobka Africa ee lagu qaban doono dalka Cameroon


Source: laacibfm.com

SHARE