Man United Oo Wax Ka Badashay Qorshohooda Suuqa & Victor Lindelof Oo Sabab U Ah.

Kooxda Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay gabi ahaan ka baxda qorshihii ay kula soo saxiixan lahayd daafac dhexe oo cusub suuqa xagaaga sabab la xidhiidha qaab ciyaareedka fiican ee Victor Lindelof sida ay sheegayaan wararku.

Inkasta oo ay haystaan mid ka mid ah daafaca ugu fiican premier League tan ilaa bishii October hadana waxa jirtay marar ay Man United ku dhibaatootay dhanka daafaca dhexe.

Man United ayaa lala xidhiidhinayay xiddigo badan oo daafaca ah bilihii ugu dambeeyay xilli uu Solskjaer doonayay xiddigo uu la tartansiiyo xiddigaha haatan u jooga kooxda.

Laakiin shabakada Goal ayaa seegaysa in qaab ciyaareedkii wakhtigii ugu dambeeyay ee xiddiga Victor Lindelof in uu tababaraha ku dhaliyay in uu badalo qorshihiisa suuqa.

Wararka ayaa sheegaya in ayna Man United suuqa xagaaga u dhaqaaqi doonin daafac dhexe oo cusub maadama uu tababaruhu ku kalsoonyahay in xiddigaha Harry Maguire, Victor Lindelof, Alex Tuanzebe iyo Eric Bailly kaga filan yihiin daafaca.


Source: laacibfm.com

SHARE