Massimiliano Allegri Oo Kashifay Sababtii Uu Isaga Diiday In Uu Tababare Ugu Noqdo Real Madrid.

Tababarihii hore ee kooxda Juventus Massimiliano Allegri ayaa ugu dambayn afka furtay kana hadlay sababtii uu isaga diiday in uu tababare ugu noqdo kooxda Real Madrid.

Massimiliano Allegri Ayaa lala xidhiidhinayay Real Madrid muddo dheer iyaga oo doonayay in ay ka dhigtaan tababarohooda marar badan laakiin tababaraha reer Italy ayaa iska diiday.

Tababare Massimiliano Allegri ayaa ka mid ah tababaryaaasha ugu guulaha badan kubada cagta sanadihii ugu dambeeyay waxana uu kooxo kala duwan kula guulaystay koobab.

Massimiliano Allegri oo ka hadlaya arintaas ayaa yidhi”Real Madrid waxa ay ila soo xidhiidhay dhawaan si ay ii waydiiso in aan xiiso u qabo shaqada laakiin waxa aan u sheegay in aanan soo laaban doonin ilaa dhamadka xilli ciyaareed”.

“Waxa aan isku diyaarinayaa in aan shaqada ku soo laabto xagaaga dhamaadka xilli ciyaareedkan”ayuu sii raaciyay.


Source: laacibfm.com

SHARE