Shan Kulan Oo Go`aaminaya Mustaqbalka Pirlo Ee Juventus

Agaasimaha ciyaaraha Juventus ee Pirlo ayaa ku adkeystay in tababare Pirlo uu qeyb fog uu ka yahay kooxda Juve, inkastoo kulankoodii ugu dambeeyay horyaalka ay la kulmeen guul darro

Sidaas oo ay tahay wargeyska Tutto Sport ayaa qoraya in 5 kulan ay go`aamin doonaan mustaqbalka Pirlo ee Juventus .

Juve  10 dhibic ayay haatan ka hooseeyaan kooxda Inter oo hogaanka haysa , sidoo kale Champion-ka wareegga 16-ka ayay ku hareen .

Haatan waxa ay halis ugu jiraan in ay seegaan horyaalka  kaasi oo haddii ay qaadan u noqon kara  kii 10-aad xariir ah oo ay qaadayaan.

Juve waxa ay 7-da  April marti gilinayaan Napoli oo ay wada ciyaaryaan kulan ka baaqday wareeggii 3-aad ka dib Torino ayay la ciyaarayaan

Juve , April kulamo adag ayaa sugaya , waxa ayna la  ciyaarayaan Atlanta, Ac Milan iyo Inter Milan

Shantaas kulan ayaa go`aamin doona mustaqbalka Pirlo haddii uusan ka badbaadin guul darooyin.

 


Source: laacibfm.com

SHARE