Steven Gerrard Oo Ku Soo Wajahan Premier League, Kooxdee Ayuu Ugu Cad-Cadyahay In Uu Hogaamiyo.

Tababaraha Kooxda Rangers ahna Halyeeyga Liverpol ee Steven Gerrard Ayaa ugu cad-cad in uu tababare u noqdo kooxda Tottenham shaqadana ka badalo tababare Jose Mourinho.

Tottenham ayaa si fiican ku bilaabatay xilli ciyaareedka laakiin qaab ciyaareed liita soo bandhigay qaybtii dambe ee xilli ciyaareedka iyaga oo haatan ku jira kaalinta 6-aad.

Tababare Jose Mourinho ayaa la filayaa in shaqada laga caydhiyo dhamaadka xilli ciyaareedkan kadib markii ay kooxdu ka hadhay Europa League sidoo kale ku dhibaatoonayso premier League.

Wargayska Express ayaa sheegaya in ay Tottenham la dhacsantahay shaqada uu Steven Gerrard Ka qabtay kooxda Rangers oo uu ku hogaamiyay horyaalka Scotland markii ugu horaysya muddo 10 sano ah.

Steven Gerrard Ayaa kooxdiisa ku hogaamiyay horyaalka iyada oo aan ilaa haatan wax guuldar ah la kulmin ilaa haatan xilli laga dhaliyay kaliya 10 gool.


Source: laacibfm.com

SHARE