Tartanka Gool dhalinta Kabta Dahabka Yurub Oo Meel Xiiso Leh Maraya

Tartaka Gool dhalinta ee qaarada yurub ayaa meel xiiso leh maraya xilli horyaalada reer yurub ku dhawyihiin in ay dhamaadaan xilli ciyaareedkan.

Xiddiga kooxda Bayern Munich ee Robert Lewandowsk ayaa hogaaminaya gool dhalinta kabta dahabka ah ee yurub isaga oo dhaliyay 35 gool ilaa haatan horyaalka Bundesliga.

Dhanka kale xiddigaha sida weyn u xafiiltama ee Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo ayaa isku goolal ah iyaga oo wada dhaliyay 23 gool horyaalada La Liga iyo Serie A-da.

Xiddiga kooxda Borussia Dortmund ee Erlinga Haaland ayaa ku jira kaalinta 4-aad isaga oo dhaliyay 21 gool lana goolal ah xiddiga kooxda Eintracht Frankfurt ee André Silva.

Hadaba Halkan Hoose Kaga Bogo xiddigaha Ugu Goolasha Badan Horyaalada ugu waaweyn qaarada yurub:

Robert Lewandowski (Bayern Munich)  35 gool – 70 dhibcod

Cristiano Ronaldo (Juventus) 23 gool – 46 dhibcood

Lionel Messi (Barcelona 23 gool – 46 dhibcood

Erling Braut Haaland (Borussia Dortmund) 21 gool – 42 dhibcood

Andre Silva (Eintracht Frankfurt) 21 gool – 42 dhibcood

Luis Suarez (Atletico Madrid) 19 gool – 38 dhibcood

Romelu Lukaku (Inter Milan) 19 gool – 38 dhibcood

Kylian Mbappe (Paris Saint-Germain) 18 gool 36 dhibcood

Karim Benzema (Real Madrid) 17 gool 34 dhibcood


Source: laacibfm.com

SHARE