Waa Maxay Sababta Uu Eden Hazard Uga Xanaaqay In Ay Real Madrid Ku Aaday Liverpool Champions League.

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Real Madrid ee Eden Hazard ayaa lagu soo waramayaa in uu si weyn uga xanaaqay in ay Kooxdiisa Real Madrid ku aaday Liverpool wareega 8 Dhamaadka champions League sabab la xidhiidha in uu dhaawac ku seegi doono kulanka.

Kooxda Tababare Jurgen Klopp ayaa 6 bisha April u safri doona Madrid si ay uga hor tagaan kooxda Zidane lugta 2-aad ee wareega 8 dhamaadka champions League.

Xiddiga reer Belguim ayaa lagu soo waramayaa in uu ka xanaaqsanyahay suurtagalnimada ah in uu seegi doono lugta 1-aad ee wareega 8 dhamaadka tartanka ee la ciyaari doono.

Xiddiga 30 jirka ah ayaa dareensanaa in kulanka Liverpool uu noqon lahaa mid uu dhinaca kale ugu rogo xilli ciyaareedkiisa kadib markii uu ku dhibaatooday dhaawacyo badan xilli ciyaareedkan.

Wargayska DefensaCentral ayaa sheegaya in uu Hazard aad uga niyad jabsanyahay ugana xanaaqsan yahay in uu seeo kulankaas muhiimka u ah kooxdiisa Real Madrid.

Eden Hazard oo markii uu Premier League joogay goolal badan ka dhaliyay Liverpool ayaa dareensanaa in uu kulankan noqon doona mid uu ugu soo laaban lahaa qaab ciyaareedkiisii ugu fiicnaa.


Source: laacibfm.com

SHARE