Cristiano Ronaldo Oo Isha Ku Haya Jabinta Rikoodh Cusub Kulamada Xulka Qaraniisa.

Xiddiga Cristiano Ronaldo ayaa kaliya 7 gool u jira in uu bar-bareeyo rikoodhka Goolasha ee 109 ee u yaala halyeeyga reer Iran ee Ali Daei.

Xiddiga kooxda Juventus ayaa 102 gool u dhaliyay xulka qaranka Portugal waxana uu wajihi doonaa xulalka Azerbaijan, Serbia & Luxembourg inta lagu jiro fasaxa xulalka.

Goolkii ugu horeeyay ee uu xulka qarankiisa u dhaliyay ayaa ahaa kulan uu dhaliyay isaga oo jira 18 sano jir 20 bishii August 2003 kulan uu xulka Portugal la ciyaaray Kazakhstan.

Saddexleydii ugu horaysay ee uu Cristiano Ronaldo u dhaliyay xulka qaranka Portugal ayaa ahaa kulan uu ka hor tagay xulka Greece kulan dhacay 2004.

Ronaldo ayaa isku qori doona taariikhda kubada caalamiga ah isaga oo noqon doona xiddiga ugu golasha badan hadii uu 7 gool dhaliyo 3-da kulan ee uu ciyaari doono is reeb-reebka koobak adduunka.


Source: laacibfm.com

SHARE