Gareth Bale Oo Kala Cadeeyay Mustaqbalkiisa, Real Madrid Ayuu Soo Hadal Qaaday.

Xiddiga garabka uga ciyaara Kooxda Tottenham ee Garteh Bale ayaa ka hadlay mustaqbalkiisa isaga oo xaqiijiyay in uu qorshaynayo in uu ku laabto Real Madrid marka uu dhamaysto heshiiska amaahda ah.

Gareth Bale ayaa qaab amaah ah ugu soo biiray Tottenham suuqii xagaaga waxana uu ilaa haatan soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah qaybtii dambe ee xilli ciyaareedkan.

Xiddiga 31 jirka ah ayaa Real Madrid kula jira heshiis ilaa xagaaga 2022 ah waxana uu xaqiijiyay in uu qorshaynayo in uu ku laabto Los Blancos xagaaga.

“Qorshahayga 1-aad waxa uu ahaa in aan Hal xilli ciayareed ku qaato Tottenham kadib-na aan ku laabto Real Madrid”.

“Kadib tartanka Euro-da qorshahaygu mar walba waxa uu ahaa in aan ku laabto Madrid”ayuu sii raaciyay.

“Sanadihii ugu dambeeyay waxa aan ku dhibaatooday taam ahaanshaha laakiin haatan diyaar ayaan ahay”ayuu sii raaciyay.


Source: laacibfm.com

SHARE