Georginio Wijnaldum Oo Ka Jawaabay Wararka Sheegaya In Uu Heshiis La Gaadhay Barcelona

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda liverpool Georginio Wijnaldum ayaa ka hadlay wararka sheegaya in uu heshiis Afka ah la gaadhay kooxda Barcelona si uu ugu biiro kooxda xagaaa dhamaadka xilli ciyaareedka

Heshiisak Georginio Wijnaldum ee kooxda Liverpool ayaa dhici doona dhamaadka xilli ciyaareedkan ilaa haatana waxa uu diidanyahay in uu heshiis cusub u sxiixo.

Kooxda Barcelona ayaa doonaysa saxiixa xiddiga Georginio Wijnaldum ilaa xagaagii hore laakiin ku fashilantay in ay hesho saxiixiisa.

Waxa maalmihii ugu dambeeyay soo baxa warar sheegaya in uu xiddiga Georginio Wijnaldum heshiis afka ah la gaadhay Kooxda Barcelona si uu kooxda ugu biiro xagaaga.

Georginio Wijnaldum oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Waxa mar walba jira warar ku saabsan mustaqbalkayga laakiin sidii aan horay u sheegay ma jiraan wax cusub oo aan sheego”.

“Marka ay war cusub soo baxaan aniga ayaa idiin sheegi doona laakiin wax cusub ma jiraan”ayuu sii raaciyay.


Source: laacibfm.com

SHARE