Haaland & Mbappe? Luis Suarez Oo Liverpool Talo Ka Siiyay Midkooda Ay U Dhaqaaqdo labada Xiddig

Xiddigii hore ee kooxda Liverpool ee Luis Suarez ayaa kooxdiisii hore ee Reds u sheegay in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddia Erling Haaland halkii ay u dhaqaaqi lahayd saxiixa xiddiga Kylian Mbappe.

Labada xiddig ee Erling Haaland & Kylian Mbappe ayaa haatan lagu qiimeeyaa xiddigaha da’yarka ah ee ugu fiican kubada cagta wakhti xaadirikan iyaga oo wacdaro ka dhigaya kooxaha PSG iyo Borussia Dortmund.

Labada xiddig ee Erling Haaland & Kylian Mbappe ayaa lala xidhiidhinayaa kooxda Liverpool xilli uu Klopp suuqa u galayo in uu xoojiyo kooxdiisa xagaaga.

“Haaland waa xiddig cajiib ah, waxa uu ku jiraa heer fiican, waxana uu leeyahay awood cajiib ah”ayuu Suarez u sheegay RAC 1.

“Waxa uu ka mid yahay xiddigaha ugu fiican ee ka ciyaara No.9, waxaa uu qeexi doonaa casriga kubada cagta”ayuu sii raaciyay”.

“Anigu waxa aan doorbidayaa Haaland laakiin Mbappe laftiisu waa xiddig fiican”ayuu hadalkiisa ku soo xidhay.


Source: laacibfm.com

SHARE