Halka Uu Erling Haaland Ka Gali Karo Shaxda Man United Hadii Uu Ku Biiro Old Trafford.

Xiddiga weerarka uga ciyaara Borussia Dortmund ee Erling Haaland ayaa si weyn loola xidhiidhinayaa kooxaha ugu waaweyn qaarada yurub kadib qaab ciyaareed cajiib ah oo uu soo bandhigay xilli ciyaareedkan.

Man United ayaa ka mid ah kooxaha sida weyn loola xidhiidhinayay saxiixa xiddiga reer Norway iyaga oo saxiixiisa doonayay xitaa ka hor intii uuna ku biirin kooxda Borussia Dortmund.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa si fiican u garanaya marka loo eego in uu kala soo shaqeeyay koox reer Norway ah markii uu xiddigu da’yarka ahaa.

Man United ayaa la filayaa in ay suuqa xagaaga dib u soo cusboonaysiin doonto xiisaha ay u qabto xiddiga si ay ugu xoojiso weerarka xilli ciyaareedka dambe.

Hadaba wargayska Sports Mole ayaa soo bandhigay halka uu Erling Haaland ka gali karo shaxda Man United hadii uu xagaaga doorto in uu ku biiro Old Trafford.

How MNU could line up with HAL


Source: laacibfm.com

SHARE