Juventus Oo Diyaarisay Liis 3 Tababare Oo Ay Doonayaan In Ay Ku Badalaan Andrea Pirlo

Kooxda Juventus ayaa diyaarisay Liis ay ku jiraan 3 Tababare kaas oo ay ku doonayaan in ay ku badalaan tababare Andrea Pirlo kadib guuldaradii lama filaanka ahayd ee ka soo gaadhay kooxda Benevento.

Wargayska La Repubblica  ayaa sheegaya in tababaraha Kooxda Atalata ee Gian Piero Gasperini, Tababaraha Lazio ee Simone Inzaghi iyo tababaraha haatan bilaa shaqada ah ee Luciano Spalletti yihiin 3-da tababare ee ay Juventus doonayso in ay midkood u dhiibto shaqada tababaranimo ee kooxda xagaaga.

Kadib markii ay kooxdu todobaadkii hore ka hadhay champions League Juventus ayaa Axadii guuldaro kale oo lama filaan ah kala kulantay kooxda Benevento.

Guuldaradaas ayaa keentay in ay Juventus haatan 10 dhibcood ka dambayso kooxda kaalinta 1-aad ku jirta ee Inter Milan kuwaas oo ku dhaw horyaalka xilli ciyaareedkan.

Maamulka Juventus ayaa lau so waramayaa in ay hal kulan u qabteen Pirlo si uu u badbaadiyo shaqadiisa kulankaas oo ah kulanka ay la ciyaari doonaan Torino ee horyaalka kadib fasaxa xulalka.

Hadii ay kooxdu shaqada ka caydhiso tababare Pirlo waxa ay midkood u magacaabi doonaan 3-da tababare si uu ula wareego shaqada kooxda.


Source: laacibfm.com

SHARE