Man United Oo Badalka David De Gea Ka Heshay Premier League.

Kooxda Man United ayaa la filayaa in ay xagaaga suuqa u gasho saxiixa Goolhaye cusub xilli uu shaki ku jiro mustaqbalka xiddigaha David De Gea iyo Dean Henderson.

Goolhaye David De Gea ayaa sameeyay khaladaad waali ah sanadihii ugu dambeeyay halka uuna Solskjaer ku kalsoonayn Goolhaye Dean Henderson.

Wararka ka imanay dalka France ayaa sheegaya in ay Man United si lama filaan ah ugu dhaqaaqayso saxiixa Goolhayaha kooxda Tottenham ee Hugo Lloris xilli ay Tottenham u dhaqaaqayso Goolhaye cusub.

Wargayska L’Equipe ayaa sheegaya in ay Man United Lloris u calaamadsatay Badalka David De Gea si ay xilli ciyaareedka dambe ugu tartanto koobabka xilli ciyaareedka dambe.

Llores ayaa qaab ciyaareed fiican ku jira waxana uu kooxda Tottenham ka badbaadiyay goolal badan waxana ay maamulka Man United aaminsanyihiin in uu koxda ka caawin karo ku guulaysiga horyaalka.


Source: laacibfm.com

SHARE