Paul Pogba Oo Chelsea Ka Caawin Kara Saxiixa Paulo Dybala, Qaab Noocee Ah.

Wararka ka imanaya England ayaa sheegaya in ay kooxda chelsea si aad ah u doonayso saxiixa weerarka uga ciyaara kooxda Juventus ee Paulo Dybala marka la gaadho suuqa xagaaga.

Chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay heli karto saxiixa xiddiga reer Aregentine iyaga oo caawimo ka helaya xiddiga khadka dhexe ee kooxda Man United ee Paul Pogba.

Xiddiga Dybala ayaa xilli ciyaareedkan ku dhibaatooday qaab ciyaareedka isaa oo aan joogto ugu ciyaarin kooxda reer Italy sabab la xidhiidha dhaawacyo.

Wargayska Daily Express ayaa sheeaya in ay kooxda Juventus doonayso saxiixa xiddiga Paul Pogba marka la gaadho suuqa xagaaaga si ay ugu xoojiso khadka dhexe.

Sidaas darteed Juventus ayaa u baahan lacag ay kula soo wareegto Paul Pogba waxana ay diyaar u tahay in in ay iska iibiso xiddiga Dybala xagaaga.


Source: laacibfm.com

SHARE