Toni Kroos Oo Dhaawac Looga Saaray Waajibaadka Xulka Qarankiisa.

Xiddiga khadka dhexe ee Toni Kroos ayaa dhaawac looga saaray kulamada xulka qarankiisa ee is reeb-reebka Koobka adduunka sida uu xaqiijiyay tababaraha xulka.

Xiddiga 31 jirka ah ayaa haatan ku laaban doona Madrid halkaas oo uu ku mari doono baadhitaan dheeraad ah si loo ogaado dhaawaciiisa.

Waxa la aaminsanyahay in uu shaki ku jiro taam ahaanshaha Kroos ee kulanka Eibar ee kadib fasaxa xulalka laakiin uu diyaar u noqon doono kulanka Liverpool ee 6 bisha April.

“Waanu baadhnay isaga”ayuu Tababaraha xulka qaranka Germany yidhi.

“Waxa aan jeclayn in aanu haysano laakiin waxa fiican in uu soo kabsado kadib xaalad fiican ku jira kulamada Euro-da”.


Source: laacibfm.com

SHARE