Wixii Ay Xiddigaha Chelsea Sameeyeen Markii Ay Ku Aadeen Kooxda FC Porto Wareega 8 Dhamaadka Champions League Oo La Ogaaday.

Halyeeyga Kooxda Fc Porto ee Paulo Futre ayaa kashifay in uu maqlay in ay xiddigaha chelsea u dabaal dageen markii ay ogaadeen in ay ku aadeen kooxda Fc Porto wareega 8 dhamaadka champions League xilli ciyaareedkan.

Kooxda Fc Porto ayaa ka yaabsatay Juventus iyaga oo iska xaadiriyay 8 dhamaadka champions League xill ciyaareedkan.

Dhanka kale kooxda chelsea ayaa dhaaftay Atletico Madrid waxana ay la ciyaari doonaan Poro wareega 8 dhamaadka champions League xilli ciyaareedkan.

Futre o Fc Porto kula guulaystay tartanka European cup sanadkii 1987 ayaa sheegay in uu maqlay in ay xiddigaha celsea u dabaal dageen ku aadista Fc Porto.

“Xiddigaha chelsea way dabaal dageen markii ay ku aadeen Fc Porto”ayuu u sheegay Sports Witness.

“waxa sidaas xaqiijiyay saxaafada England”ayuu sii raaciyay.


Source: laacibfm.com

SHARE