Xiddig Man United U Soo Ciyaaray Oo Martin Odegaard Ku Qanciyay In Uu Ku Biiro Arsenal.

Weeraryahankii hore ee kooxda Man United Josh King ayaa shaaca ka qaaday doorkii uu ku lahaa ku qancinta Martin Odegaard ee ku biirista kooxda Arsenal suuqii January.

Josh King ayaa dhankiisa qaab amaah ah ugu biiray kooxda Everton maalintii ugu dambaysay suuqii January ee bilowgii sanadkan 2021.

Laakiin xiddiga Josh King oo ay Martin Odegaard Isku xul yihiin ayaa sheegay in uu xiddiga ku qanciyay in uu ku biiro kooxda Arsenal.

“Markii aan arkay wararka la xidhiidhinaya Arsenal waxa aan u diray Fariin aan ugu sheegay “waan in aad ku biirto Arsenal”ayuu King u sheegay NKR.

“Waxa uu iigu jawaabay “Ma hubtaa? Ma hubtaa? waxana aan hubay in uu ku guulaysan doono sabab la xidhiidha qaab ciyaareedka Arsenal oo ku fiican qaab ciyaareedka Martin Odegaard”.

“Waxa aan saaxiib nahay xiddig u soo ciyaaray Arsenal waxana aan wax badan ka garanayaa kooxda, fikirkayga waxa aan aaminsanaa in uu ku soo baxayao qaab ciyaareedkiisu”ayuu sii raaciyay.

 


Source: laacibfm.com

SHARE