Alvaro Morata Oo Dabka Ku Sii Shiday Wararka Cristiano Ronaldo La Xidhiidhinaya Real Madird, Maxaa Cusub/

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Juventus ee Alvaro Morata ayaa dabka ku sii shiday wararka Cristiano Ronaldo la xidhiidhinaya kooxda Real Madrd.

Waxa todobaadyadii ugu dambeeyay sii xoogaysanaya wararka Cristiano Ronaldo la xidhiidhinaya ku laabashada kooxda Real Madrid kadib markii ay Juventus ka hadhay champions league xilli ciyaareedkan.

Xitaa waxa soo baxay warar sheegaya in ay Juventus diyaar u tahay in ay iska iibiso xiddiga hadii ay hesho dalab lacageed oo dhan 25 milyan oo euro suuqa kala iibsiga xagaaga.

“Ma garanayo, kaliya waxa aan kala hadlaa kubada cagta, wixii intaas dhaafsan waxba kama ogi”ayuu Morata yidhi markii wax laga waydiiyay wararka ku saabsan mustaqbalka Ronaldo.

“Nolosha wax walba way dhici karanaa laakiin waxa aan rajaynayaa in uu sii joogo Juventus sababta oo ah waan ku raaxaystaa ka garab ciyaaristiisa”ayuu sii raaciyay.


Source: laacibfm.com

SHARE