Barcelona Oo Loo Caleemo Saaray Boqorada Yurub Ee Qarniga 21-aad.

Xidhiidhka FIFA qaybtiisa uruurinta xogaha kubada cagta iyo taariikhda ee IFFHS ayaa kooxda Barcelona u magacaabay kooxdii ugu fiicnayd 10-kii sano ee la soo dhaafay gaar ahaan 2011 ilaa 2020.

Kooxda Barcelona ayaa loo magacaabay kooxda ugu fiican qarniga markii 2-aad oo xidhiidh ah kadib markii loo magacaabay 2001 iyo 2010 kadib markii ay guulo waaweyn gaadhay sanadihii la soo dhaafay.

Barcelona ayaa 10-kii sano ee la soo dhaafay ku guulaystay koobab badan iyaga oo ku guulaystay 2 Club World Cup, 2 Champions League, 6 La Liga laakiin koobabka ayaan ahayn xogta kaliya ee ay IFFHS qiimaysay laakiin waxa la qiimeeyay goolasha, kulamada ay badiyeen iyo waliba goolasha laga dhaliyay.


Source: laacibfm.com

SHARE