Chelsea Oo Looga Digay Saxiixa Erling Haaland, Sabab?

Xiddigii hore ee kooxda Chelsea ee Frank Leboeuf ayaa kooxdiisii hore uga digay in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga kooxda Borussia Dortmund ee Erling Haaland.

Chelsea ayaa ka mid ah kooxaha doonaya saxiixa xiddiga reer Norway iyaga oo doonaya in ay ku xoojiyaan weerarka xilli ciyaareedka dambe xilli uu Thomas Tuchel doonayo in uu dhiso koox u tartanta koobabka xilli ciyaareedka dambe.

Erling Haalan ayaa ku jira qaab ciyaareed cajiib ah isaga oo dhaliyay 32 gool 31 kulan oo uu ciyaaray Arintaas ayaana soo jiidatay kooxo badan oo reer yurub ah kuwaas oo doonaya saxiixiisa kuna jirto chelsea.

Laakiin Frank Leboeuf ayaa Kooxdiisii hore uga digay in ay u dhaqaaqdo saxiixa Erling Haalan sabab la xidhiidha in uu dhibaato ku keeni doono kooxda hadii uu ku biiro kooxda.

Frank Leboeuf oo la hadlaya Sky Sport ayaa yidhi”Haaland waa xiddig fiican waxana uu wax weyn ku soo kordhin doonaa chelsea laakiin waa in aad ka fikirto dhanka dhaqaalaha iyo waliba qolka Labiska.

“Hadii uu Haaland yimaado kooxda waxa meesha ka baxaya Olivier Giroud, sidoo kale waxa ay kooxdu boos u waayaysaa xiddigaha Kia Havertz, Timo Werner, Christian Pulisc iyo waliba Hakim Ziyech”.

“Arintaas ayaa ah mid aynu ka hadalno ka hor inta aan laga hadlin wax kale ayuu sii raaciyay”.


Source: laacibfm.com

SHARE