Cristiano Ronaldo Oo Diyaar U Ah In Uu Ka Tago Juventus Kuna Laabto Real Madrid Laakiin Hal Shardi Ku Xidhay.

Waxa wali sii xoogaysanaya wararka Cristiano Ronaldo la xidhiidhinaya ku laabashada Kooxda Real Madrid suuqa kala iibsiga xagaaga ee dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Xiddiga kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa lagu soo waramayaa in uu diyaar u yahay in uu ku laabto kooxda Real Madrid laakiin waa hadii ay Real Madrid xiiso u muujiso saxiixiisa.

Xiddiga Ballon d’Or ku guulaystay ayaa ku fashilmay in uu Juventus kula guulaysto champions League kadib markii ay xilli ciyaareedkan tartanka kaga hadheen wareeya 16-ka tartanka.

Wargayska MARCA ayaa sheegaya in uu Cristiano diyaar u yahay in uu ku biiro kooxda Real Madrid laakiin waa hadii ay kooxda Zidane xiiso u muujiso saxiixiisa marka uu furmo suuqa kala iibsiga xagaaga.

Cristiano Ronaldo ayaa wakhti fiican ku soo qaatay kooxda Real Madrid intii uu joogay kooxda Isaga oo kula guulaystay 15 koob oo ka mid yahay 4 champions league.


Source: laacibfm.com

SHARE