Juventus Oo Wal-Wal Ku Abuurtay Real Madrid & Zinedine Zidane Oo Sabab U Ah.

Kooxda Juventus ayaa lagu soo waramayaa in ay doonayso in ay tababareheeda cusub ka dhigato tababaraha Real Madrid ee Zinedine Zidane sida ay sheegayaan wararku.

Booska Anrea Pirlo ee Juventus ayaa la sheegayaa in uu halis ku jir xilli ay kooxdu haatan 10 dhibcood ka dambayso hogaamiyayaasha Horyaalka Serie A-da sidoo kale laga reebay champions league.

Wargayska Gazzetta dello Sport ayaa sheegaya in ay kooxda Juventus doonayso in ay tababare ka dhigato Zidane si ay ugu badasho Pirlo xilli ciyaareedka dambe.

Tababare Zidane ayaa haatan markii 2-aad hogaaminaya kooxda Real Madrid waxana uu kooxda Los Blancos kula guulaystay 2 horyaal iyo 3 champions leagueintii uu hogaaminayay kooxda.

Kooxda Juventus ayaa aaminsan in uu Zidane yahay tababarihii kooxda ku hogaamin lahaa tartanka champions league waliba ay diyaar u yihiin in ay u dhaqaaqaan saxiixiisa dhamaadka xilli ciyaareedkan.


Source: laacibfm.com

SHARE