Portugal Oo Guul Ku Bilowday Is Reeb-Reebka Koobka Adduunka & Natiijooyinkii Kulamada Kale Ee La Ciyaaray.

Xulka qaranka Portugal ayaa guul dirqi ah ku bilowday kulamada is reeb-reebka koobka adduunka iyaga oo guul dirqi ah ka gaadhay xulka Azerbaijan kaas oo iska caabin xoogan kaal hor yimid xulka Portugal.

Cirtiano Ronaldo ayaa hogaaminayay weerarka xulka Portugal laakiin waxa ay dhaafi waayeen daafaca xulka Azerbaijan kuwaas oo si geesinimo leh u ciyaaray waliba u ba-bac dhigay xul ka tun weyn.

Sidii la filayay xulka Portugal ayaa wax walba ka sameeyay ciyaarta waxana ay goolka Azerbaijan ku laadeen 28 laad iyaga oo 13 ka mid ah la helay Goolhayaha xulka qaranka Azerbaijan.

Dhanka kale xulka Azerbaijan ayaan xitaa wax laad ah la helin goolka xulka Portugal taas oo muujinaysa in ay ciyaartu dhinac kaliya ahayd oo uuna xulka Azerbaijan weeraro hagaagsan qaadin.

Hadana xulka Azerbaijan ayaa si geesinimo leh u difacday goolkooda iyaga oo xulka Portugal u diiday in ay goolkooda soo taabtaan inkasa oo uu Portugal iska maamulanayay ciyaarta.

Daqiiqadii 37-aad ayuu xulka Portugal helay goolka 1-aad laakiin waxa iska dhaliyay xiddiga Azerbaijan ah kaas oo lagu magacaabo Maskim Medvedev kaas oo xulka Portugal hogaanka u dhiibay.

Qaybtii dambe ayuu Goolhayaha xulka Azerbaijan sameeyay badbaadin fiican isaga oo Ronaldo iyo saaxiibadii u diiday in ay goolkiisa mar kale kubad dhex-dhigaan.

Waxana sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo uu xulka Portugal guul dirqi ah ka gaadhay xulka yar ee Azerbaijan kuwaas oo ciyaar geesinimo leh soo bandhiay.

Ntaiijooyinka kulamada kale ee is reeb-reebka koobka adduunka:
Gilbraltar 0-3 Norway
Finland 2-2 Bosnia
Latvia 1-2 Montenegro
Slovenia 1-0 Croatia
Belguim 3-1 Wales
Malta 1-3 Russia
Esonia 2-6 Czech Republic
Cryprus 0-0 Slovakia


Source: laacibfm.com

SHARE