Shaxda Ay Barcelona Ku Ciyaari Karto Xilli Ciyaareedka Dambe, Messi Oo Sii Joogi Doona & 4 Saxiix Oo Cusub.

Kooxda Barcelona ayaa la filayaa in ay samayso saxiixyo cusub xagaaga waxana sidoo kale jirta fursad fiican oo uu Lionel Messi ku sii joogi karo kooxda Barcelona xilli ciyaareedka dambe.

Wargayska Express ayaa soo saaray sida ay noqon karto shaxda Barcelona ee Ronald Koeman ku dagaal tagi doono xilli ciyaareedka dambe hadii uu helo xiddigaha tabaaraha bartilmaameedka u ah.

Tababare Ronald Koeman ayaa doonaya in uu la soo saxiixdo 4 xiddig kuwaas oo uu doonayo in uu ku xoojiyo kooxdiisa xilli ciyaareedka dambe si uu ugu tartamo koobabka xilli ciyaareedka dambe.

Xiddigaha Garcia, Wijnaldum, Depay Iyo Aguero ayaa ah xiddigaha Bartilmaameedka u ah kooxda Barcelona iyada oo 3 ka mid ah xiddigahaas ay waliba qaab xor ku heli karaan.

Goolhaye: Ter Stegen

Daafaca: Dest, Garcia, Pique, Alba

Khadka Dhexe: Wijnaldum, De Jong

Weerarka: Depay, Messi, Griezmann, Aguero


Source: laacibfm.com

SHARE