Shaxda Laga Yaabo In Uu Xulka Portugal Caawa Kaga Hor Tago Xulka Azerbaijan Is Reeb-Reebka Koobka Adduunka

Xulka qaranka Portugal ayaa bilaaban doona kulamada is reeb-reebka qaarada yurub ee tartanka koobka adduunka sanadka 2022 ee lau qaban doono dalka qatar kaas oo maanta bilaaban doona.

Xulka Portugal oo uu hogaaminayo xiddiga Cristiano Ronaldo ayaa doonaya in uu ku bilowdo si fiican is reeb-reebka marka ay la ciyaari doonaan xulka Azerbaijan Kulan u muuqda mid fudud marka dhinac loo eego.

Saaxiibada Cristiano Ronaldo ayaa doonaya in ay guul ku bilowdaan is reeb-reebka marka ay marti galin doonaan xulka Azerbaijan kaas oo aan ahayn xul magac weyn ku leh kubada cagta.

Hadana tababaraha xulka qaranka Portugal ayaa la filaayaa in uu ku bilowdo shaxdiisa ama ku soo galo xiddigaha ugu muhiimsan iyada oo ay weerarka hogaamin doonaan xiddigaha Ronaldo Iyo Jota.

How Portugal could line up against Azerbaijan in WCQ


Source: laacibfm.com

SHARE