Sheeko Cusub: Juventus Oo Suuqa Dhigaysa Dhamaan Xiddigaha Kooxda Marka Laga Reebo 5 Xiddig, Miyuu Ronaldo Ku Jiraa.

Kooxda Juventus ayaa lagu soo waramayaa in ay suuqa dhigtay waliba iska iibinayso dhamaan kooxdeeda 1-aad marka laga reebo 5 xiddig oo kaliya marka la gaadho suuqa kala iibsiga xagaaga.

Juventus ayaa qorshaynaysa mustaqbalka kadib markii laga reebay tartanka champions League waliba ay u badantahay in ay ku guulaysan waydo horyaalka Serie A-da xilli ciyaareedkan.

Wargayska La Gazzetta dello Sport ayaa sheegaya in ay kaliya jiraan 5 xiddig oo lama taabtaan ah kooxda 1-aad ee Juventus marka laga hadlayo suuqa kala iibsiga xagaaga.

Xiddigahaas ayaa kala ah Federico Chiesa, Dejan Kulusevski, Matthijs de Ligt, Arthur & Danilo sida uu sheegayo wargayska saaka.

Dhamaan xiddigaha kale ee kooxda ayaa suuqa la dhigay waliba ka tagi kara kooxda hadii qiimo macquul ah loo soo bandhigo marka uu furmo suuqa kala iibsiga xagaaga ee dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Xiddiga Cristiano Ronaldo ayaa ka mid a xiddigaha suuqa la dhigay in kasta oo ay Juventus sheegtay in uu xiddiga reer Portugal sii joogi doono kooxdo xilli ciyaareedka dambe.

Hadii ay waayaan koox diyaar u ah in ay la wareegto Cristiano kooxda ayaa iska iibin doonta xiddiga Paul Dybala kaas oo uu heshiiskiisu dhici doono dhamaadka sanadka 2022.


Source: laacibfm.com

SHARE