Waa Maxay Sababta Ay Liverpool U Doonayso In Uu Danny Ings Ku Biiro Man City.

Kooxda Man City ayaa lala xidhiidhinayaa weeraryahanka kooxda Southampton ee Danny Ings sida ay sheegayaan wararka ka imanaya England.

Man City ayaa suuqa u gali doonta saxiixa weeraryahan cusub xilli ay si xor ah ku waayi doonto xiddiga ugu goolasha badan taariikhdeeda ee Sergio Aguero.

Kooxda Liverpool ayaa la sheegayaa in ay si aad ah u doonayso in uu xiddiga Danny Ings ku biiro kooxda Man City suuqa xagaaga sabab la xidhiidha in ay ku qabto faa’iido lacageed.

Liverpool ayaa xagaagii 2019 iska iibisay xiddiga Danny Ings Iyaga oo 22.20 milyan oo euro kaga iibiyay kooxda Southampton kadib markii uu xiddigu ku dhibaatooday kooxda.

Laakiin Liverpool ayaa heshiiskii ay Southampton kula wareegtay xiddiga ku xidhay shardi ah in ay hesho 20% lacagta mustaqbalka lagu iibsado xiddiga reer England.


Source: laacibfm.com

SHARE