Waa Maxay Sababta Uu Thomas Tuchel Chelsea Uga Hor Istaagi Karo Saxiixa Erling Haaland

Chelsea ayaa doonaysa saiixa xiddiga kooxda Boruusia Dortmund ee Erling Haaland laakiin tababare Thomas Tuchel ayaa sabab u noqon kara in ay Blues waydo saxiixa xiddiga sida ay sheegayaan wararka ka imanaya Germany.

Tuchel ayaa taageere weyn u ah xiddga Borussa Dortmund ee Haaland waxana uu u sheegay in ay la soo saxiixdaan xiddiga reer Norway marka la gaadho suuqa xagaaga.

Haaland ayaa haatan ah da’yarka ugu fiican yurub isaga oo dhaliyay 33 gool kaliya 31 kulan oo tartamada oo dhan ah.

Kooxaha Man United, City, Liverpool, Juventus, Barcelona, Bayern Munich Real madrid iyo Chelsea ayaa dhamaantood xiiso u muujiyay saxiixa xiddiga da’yarka ah.

Laakiin chelsea ayaa waayi doonta fursad ay kula soo saxiixato xiddiga maadama uu xidhiidh la leeyahay kooxda Borussia Dortmund oo uu horay tababare ugu soo laabtay.

Tuchel ayaan xidhiidh fiican kaga tagin Dortmund wargayska Bild ayaana sheegaya in ay arintaas sabab u noqon doonto in ay chelsea waydo saxiixa xiddiga.

Maamulka Dortmund ayaa diidi doona in ay Haaland ka iibiyaan koox uu Tuchel tababare u yahay sidaas darteed xiddiga ayaan ku biiri doonin kooxda ku ciyaarta Stamford Birge.


Source: laacibfm.com

SHARE