Xulka France Oo Bar-Baro Ku Bilowday Is Reeb-Reebka Koobka Adduunka, Xulka Ukraine Ayay Dhaafi Waayeen

Xulka qaranka France ayaa bar-baro ku bilowday kulamada is reeb-reebka koobka adduunka ee qaarada yurub iyaga oo dhaafi waayay xulka Ukraine kadib kulan xiiso leh oo ay labada xul kala qaybsadeen kulanka.

Xulka France aya qaybtii hore ku bilowday si dar-dar leh iyaga oo Ukraine ku qaadayay weeraro aan kala joogsi lahayn oo ay ku raadinayeen goolka furitaanka iyo in ay ciyaarta wax ka badalaan.

Xulka Ukraine ayaa ku dhibaatooday in ay qaadaan weeraro wax ku ool ah iyaga oo kaliya difaac ku jiray weeraro rogaal celis ahan qaadayay.

Daqiiqadii 19-aad ayuu xulka France dhaliyay goolka 1-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Antoine Griezmann kaas oo hogaanka u dhiibay xulka qarankiisa kadib dadaal badan oo ay sameeyeen.

Xulka France ayaa helay fursado fiican laakiin ka faa’iidaysan waayay wax goolal ahna ka dhalin waayay xilli xulka Ukraine ku jiray difaac iskana ilaalinayay in laa dhaliyo goolal kale.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta kaas oo uu xulka France ahaa midka fiican waliba dhalin kareen goolal intaas ka badan laakiin uuna nasiibku u saamixin.

Qaybta dambe ayuu xulka Ukraine la soo galay dar-dar iyaga oo doonayay in ay dhaliyaan goolka bar-baraha si ay ciyaarta ugu soo laabtaan waxana ay qaadayeen weeraro halis galiyay xulka France.

Daqiiqadii 57-aad ayuu xulka Ukraine helay goolka bar-baraha waxana si khaldan goolkiisa uga dhaliyay daafaca reer France ee Presnel Kimpembe kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/1 labada xul bar-baro ku yihiin.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay labada xul ku kala bexeen bar-baro 1/1 ah bar-barana ugu bilowdeen is reeb-reebka koobka adduunka.


Source: laacibfm.com

SHARE