Xulka Qaranka Turkey Oo Xasuuqday Xulka Netherland Dhabarkana U Saaray Guuldaro Lama Filaan Ah.

Xulka Qaranka Turkey Oo Xasuuqday Xulka Netherland Dhabarkana U Saaray Guuldaro Lama Filaan Ah.


Xulka qaranka Turkey ayaa guuldaro dhabarka u saaray xulka Netherlands kulankii ugu horeeyay ee labada xul ee is reeb-reebka qaarada yurub ee koobka adduunka Qatar 2022.

Kulanka ayaa ahaa mid uu xulka qaranka Turkey Maamulayay xilli uu xulka Netherlands ku dhibaatoday in uu wax saamayn ah ku yeesho qaybtii hore ee ciyaarta.

Xulka qaranka Turkey ayaa daqiiqadii 13-aadba dhaliyay goolka 1-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Burak Yilmaz kaas oo xulkiisa hogaanka u dhiibay xulka qarankiisa kana dhigay ciyarta 1/0.

Xulka Netherland ayaa ku dhibaatoonayay in ay qaadaan weerar wax ku ool ah oo ay saamayn ugu yeelan karaan ciyaarta xilli xulka Turkey maamulayay dhinac walba oo ciyaarta ah.

Daqiqiadii 34-aad ayuu xulka Turkey dhaliyay goolka 2-aad waxana u dhaliyay xiddiga Burak Yilmaz kaas oo ahaa xiddiga ciyaarta gool-na u badiyay rikoodhe loo dhigay xulkiisa.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo uu Xulka Turkey wax walba ku fiicnaa xilli uu Xulka Netherland ku dhibaatooday in uu laba kubad isku dhiibo.

Qaybtii dame ayuu Xulka Turkey sii waday dadaalkiisa iyo qaab ciyaareedka fiican ee ciyaarta iyaga oo doonayay in ay dhaliyaan gool ay ciyaarta ku dilaan.

Daqiiqadii 46-aad ayuu xulka Turkey dhaliyay goolka 3-aad waxana markan gool u dhaliyay xiddiga Hakan Calhanoglu kaas oo ciyaarta ka dhiay 3/0 uu xulkiisu ku hogaaminayo ciyaartu.

Xulka Netherland ayaa madaxa kor ula kacay 15-kii daqiiqo ee ciyaarta ugu dambaysay xilli uu Daafaca Turkey-ga khal-khal ku yimid waliba sameeyeen khaladaad xidhiidh ah.

Daqiiqadii 75-aad ayuu xulka Netherland dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Davy Klaassen kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/1 wali xulka Netherland ku dameeyo ciyaarta.

Isla daqiiqadii 76-aad ayuu Xulka Netherland dhalisay goolka 2-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Luuk de Jong kaas oo ciyaarta dib u furay xilli xiddigaha Turkey-ga khal-khal ka muuqday.

Laakiin Xulka qaranka turkey ayaan is dhiibin waxana ay daqiiqadii 81-aad dhaliyeen goolka 4-aad waxana laad xor ah u dhaliyay xiddiga Burak Yilmaz kaas oo ciyaarta ka dhigay 4/1 waliba dhaliyay saddexley.

Xulka Qaranka Netherland ayaa heshay rikoodhe daqiiqadihii ugu dambeeyay laakiin Goolhahaya xulka Turkey ayaa si qurux badan u badbaadiyay rikoodhada.

Waxa sidaas ku dhamatay ciyaarta oo uu xulka Qaranka Turkey guul ku bilowday is reeb-reebka koobaka adduunka


Source: laacibfm.com

SHARE