Antoine Griezmann Oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalkiisa Barcelona.

Antoine Griezmann ayaa lagu soo waramayaa inuu ku wargaliyay Barcelona inuusan dooneynin inuu ka tago kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Xiddiga reer France ayaa ku fashilmay in uu qaab ciyaareed fiican soo bandhigo kadib markii uu kooxda Barcelona ugu soo biiray lacag dhan 107 milyan oo euro xagaagii 2019.

Waxa soo baxay warar sheegaya in ay Barcelona diyaar u tahay in ay iska iibiso xiddiga Griezmann iyo Waliba Philippe Coutinhho marka uu furmo suuqa xagaaga dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Laakiin wargayska Catalunya Radio ayaa sheegay in uu xiddiga 30 jirka ah doonayo in uu isku muujiyo kooxda Barcelona waliba uuna doonayn in uu ka tago dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Griezmann ayaa kulamadii ugu dambeeyay ka ciyaaray boos ka duwan booskiisii hore waxana uu dhaliyay gool labadii kulan ee ugu dambeeyay ee uu u ciyaara Barcelona horyaalka la Liga.


Source: laacibfm.com

SHARE